OGEYSIISKA DIGNIINTA ASTAANTA GANACSIGA

Waxaa halkan lagu ogeysiinayaa in astaanta ganacsi ee kor ku xusan ay tahay hantida (milkiyadda) ee KT&G Corporation, Incorporated in the Republic of Korea of 71, Beotkkot-gil, Daedeok-gu, Daejeon, Republic of Korea iyo in isla astaanta ganacsi loo isticmaalo badeecooyinka soo socda:
Fasalka 34: Tubaako; Sigaarro; Sigaarro waaweyn (cigars); Tubaako la nuugo (snuff); Warqadaha sigaarka; Tuubada tubaakada (tobacco pipe) oo aan ka samaysnayn bir qaali ah; Shaandhooyinka sigaarka; Kiisas sigaarka lagu rito oo aan ka samaysnayn bir qaali ah; Boorsooyinka tubaakada; Shidaaleyaasha sigaarka oo aan ka samaysnayn bir qaali ah; Kabriid; Nadiifiyeyaasha tuubada tubaakada; Dambaska sigaarka lagu rido (ashtrays) oo aan ka samaysnayn bir qaali ah; Goynta sigaarada (cigar cutters).
Sidoo kale waxaa halkan lagu ogeysiinayaa in KT&G Corporation ay sheeganayso dhammaan xuquuqda la xidhiidha astaamaha ganacsi ee kor ku xusan gudaha Somaliland, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama dad kasta oo lagu helo inay isticmaalayaan astaamahaas ama astaamo kale oo si khiyaano ah ama si jahawareer keeni karta ugu eg, ama si kale u xadgudbaya xuquuqdeeda.




























