SOMALILAND
OGEYSIISKA DIGNIINTA CALAAMADDA GANACSIGA
RADISSON
WAXAA LAGU OGEYSIINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay calaamadda ganacsiga ee shirkadda RADISSON HOSPITALITY BELGIUM BV/SRL, oo xarunteedu tahay Avenue du Bourget 44, B-1130 Brussels, Belgium, lana isticmaalo xiriirka waxyaabaha soo socda:
Fasalka 16: Buug-yareyaasha (manuals), warqadaha wararka (newsletters), joornaalada, daabacaadaha la daabacay, waxyaabaha la daabacay, buugaagta iyo foomamka, qalabka qoris loota (stationery), walxaha waxbaridda, baridda iyo tababbarka; walxaha xayaysiiska iyo kuwa dhiirrigelinta, tilmaamaha hoteellada, liistada cuntooyinka (menus), waxyaabaha miiska la saaro (placemats), marada gacmaha lagu tirtiro (napkins), iyo kaararka.
WAXAA SIDOO KALE LAGU OGEYSIINAYAA in tallaabooyin sharci laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo isticmaasha calaamadda ganacsiga ee la xusay ama mid la ekeysiiyay, ama si kale uga xadgudubta xuquuqda shirkaddaas.
























