OGEYSIIS DIGNIIN AH OO KU SAABSAN ASTAANTA GANACSIGA

OGEYSIISKAN WAXA LAGU WARGELINAYAA in astaanta ganacsi ee kor ku xusan ay tahay hanti ay si sharci ah u leedahay The Peninsular and Oriental Steam Navigation Company, oo xarunteedu tahay 16 Palace Street, London, SW1E 5JQ, Boqortooyada Midowday (United Kingdom), isla markaana astaantan loo isticmaalo adeegyada soo socda:
Fasalka 35:Xayeysiin; maaraynta, abaabulka iyo maamulka ganacsiga; adeegyada xafiisyada; maaraynta saadka (logistics) ee ganacsiyada kale; adeegyada xayeysiinta ee la xidhiidha warshadaha gaadiidka iyo gaadiid-qaadka; dhiirrigelinta badeecooyinka iyo adeegyada iyada oo loo marayo kafaala-qaad; la-talinta kafaala-qaadka; maamulka ganacsiga ee gaadiidka iyo gaarsiinta; diyaarinta dukumentiyada gaadiidka ee dadka kale; habaynta xogta ee gaadiidka; la-talinta maamulka ganacsiga ee gaadiidka iyo gaarsiinta; bixinta qiime-qiyaasaha badeecooyinka iyo adeegyada; ururinta xogta shirkadaha ee keydadka xogta kombiyuutarka; bixinta macluumaadka ganacsiga ee shirkadaha; la-talinta saadka gaadiidka; adeegyada maamulka ee la xidhiidha nadiifinta kastamyada; xidhiidhka dadweynaha, suuq-geynta, xayeysiinta iyo dhiirrigelinta adeegyada maraakiibta iyo gaadiidka; adeegyada wakaaladaha soo dejinta iyo dhoofinta; la-talinta adeegyada soo dejinta iyo dhoofinta; maaraynta silsiladda sahayda; adeegyada xayeysiinta ee warshadaha badda; adeegyada maamulka kastamyada; suuq internet ah oo loogu talagalay iibsadayaasha iyo iibiyeyaasha badeecooyinka dijitaalka ah ee la soo dejisan karo sida sawirrada farshaxanka, muusigga iyo muuqaalada lagu xaqiijiyey NFT-yada; adeegyada dukaamada tafaariiqda ee iibinaya badeecooyin muuqaal ah (virtual goods) oo loogu talagalay adduunyada onlaynka ah; iyo adeegyada la-talinta, macluumaadka iyo talo bixinta ee dhammaan adeegyada kor ku xusan, oo ay ku jiraan kuwa lagu bixiyo hab elektaroonig ah iyo bogagga internetka ee laga heli karo deegaanka muuqaalka ah (virtual environments).
Fasalka 3:Adeegyada dhismaha; rakibidda iyo dayactirka; dhismaha iyo horumarinta dekedaha; dayactirka iyo hagaajinta konteenarrada gaadiidka; dhismaha maraakiibta; hagaajinta, dayactirka iyo dib-u-habaynta maraakiibta; dayactirka baabuurta; dhismaha iyo qalabaynta dukaamada iyo goobaha ganacsiga; dhismaha dekedaha, doomaha, xarumaha xamuulka, kaydinta iyo maaraynta xamuulka; adeegyada dhismaha, rakibidda iyo dayactirka ee warshadaha badda iyo dekedaha; dhismaha dekedaha yaryar iyo jidadka difaaca hirarka; adeegyada nadaafadda; dhaqidda baabuurta; xarumaha adeegga baabuurta (shidaal iyo dayactir); dhismaha iyo dayactirka bakhaarada; dhismaha iyo dayactirka doonyaha raaxada; adeegyada dry docking-ka maraakiibta; dhigista fiilooyinka; maaraynta barroosinnada; iyo dhammaan adeegyadaas oo sidoo kale laga heli karo adduunyada muuqaalka ah (virtual worlds), iyo adeegyada la-talinta, macluumaadka iyo talo bixinta ee la xidhiidha.
Fasalka 39: Gaadiid; baakaynta iyo kaydinta badeecooyinka; qabanqaabinta safarrada; diyaarinta safarrada maraakiibta dalxiiska; saadka gaadiidka; bixinta macluumaadka dekedaha; gudbinta iyo maaraynta xamuulka; adeegyada macluumaadka gaadiidka; kaydinta, gaadiidka iyo gaarsiinta badeecooyinka iyada oo loo marayo diyaarado, tareenno, maraakiib ama baabuur; adeegyada kombiyuutarka ee maraakiibta iyo xamuulka; raadraaca rakaabka ama xamuulka iyadoo la adeegsanayo kombiyuutarro ama GPS; dhexdhexaadinta xamuulka; maaraynta iyo qaadista xamuulka; bixinta macluumaadka dhaqdhaqaaqa xamuulka; rarista konteenarrada maraakiibta; adeegyada dekedaha; la-talinta gaadiidka, baakaynta iyo kaydinta; bixinta macluumaadka dekedaha iyo gaadiidka badda; kiraynta maraakiibta, doonyaha iyo gaadiidka biyaha; adeegyada marina-yada; kaydinta maraakiibta iyo doonyaha; adeegyada doomaha rakaabka (ferry); diyaarinta safarrada maraakiibta; hoy siinta maraakiibta iyo doonyaha; qabanqaabinta safarrada doomaha; badbaadinta maraakiibta dhibaataysan; jiidista maraakiibta; adeegyada maraakiibta dalxiiska; adeegyada ku xidhista iyo dhigista maraakiibta; kiraynta meelaha lagu xidho doonyaha; bixinta macluumaadka ku saabsan meelaha barroosinnada iyo marina-yada; adeegyada hagista maraakiibta; adeegyada la-talinta iyo macluumaadka ee dhammaan adeegyada kor ku xusan, oo ay ku jiraan kuwa lagu bixiyo internetka; adeegyada wakaaladaha safarka ee samaynta boos celinta gaadiidka rakaabka iyo dalxiisayaasha dhulka, hawada iyo biyaha, oo sidoo kale laga heli karo adduunyada muuqaalka ah; adeegyada qorshaynta gaadiidka iyo safarka ee badeecooyinka, rakaabka iyo dalxiisayaasha ee laga heli karo adduunyada muuqaalka ah; diyaarinta gaadiidka safarrada dalxiiska ee adduunyada muuqaalka ah; adeegyada saadka iyo maaraynta xamuulka ee adduunyada muuqaalka ah; adeegyada marina-yada ee adduunyada muuqaalka ah; iyo adeegyada la-talinta, macluumaadka iyo talo bixinta ee dhammaan adeegyada kor ku xusan.
SIDOO KALE WAXA LA OGEYSIINAYAA in The Peninsular and Oriental Steam Navigation Company ay sheeganayso dhammaan xuquuqda sharciga ah ee astaanta ganacsi ee kor ku xusan gudaha Somaliland, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin sharci oo ku habboon cid kasta ama shirkad kasta oo isticmaasha astaantan ganacsi ama astaan kale oo si marin-habaab ah ama jahawareer abuuri karta ula mid ah, ama si kasta ugu xadgudubta xuquuqdeeda sharciyeed.






























