OGAYSIISKA DIGNIINTA CALAAMADA GANACSIGA
(Gudaha dhulka Somaliland)
Halkan waxaa lagu ogeysiinayaa in:
: KT&G Corporation, a South Korean company with head office at: 71, Beotkkotgil, Daedeok-gu, Daejeon, Republic of Korea
ay tahay milkiilaha iyo lahaanshaha keliya ee calaamaddan ganacsi ee hoos ku xusan:
RAISON
Calaamadda ganacsi ee kor ku xusan waxa loo adeegsadaa fasalka caalamiga ah ee 34aad, kuna saabsan alaabooyinka soo socda:
Fasalka 34aad: Tubaako; sigaaryo; sigaar waaweyn (cigars); buur; waraaqaha sigaarka; tuubooyinka tubaakada ee aan ka samaysnayn bir qaali ah; miirayaasha sigaarka; galalka sigaarka ee aan ka samaysnayn bir qaali ah; boorsooyinka tubaakada; shiddooyinka sigaarka ee aan ka samaysnayn bir qaali ah; taraqa; nadiifiyeyaasha tuubooyinka tubaakada; weelasha dambaska ee dadka sigaarka caba, kuwaas oo aan ka samaysnayn bir qaali ah; iyo qalabka lagu jaro sigaar waaweyn.
Sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa in tallaabo sharci laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo isticmaasha isla calaamaddan ganacsi ama ku-dayasho ka mid ah, ama qof kasta oo ku xadgudba xuquuqda lahaanshaha calaamaddan ganacsi.

























