SOMALILAND – OGEYSIIS DIGNIIN AH OO KU SAABSAN ASTAANTA GANACSIGA

Waxaa halkan lagu ogeysiinayaa in astaanta ganacsi ee kor ku xusan ay tahay hanti ay leedahay SHENZHEN LAMP TECHNOLOGY CO., LTD., oo laga aasaasay Shiinaha, cinwaankeeduna yahay No. 6 Lanjing North Road, Kengzi Street, Pingshan District, Shenzhen, Guangdong 518118, China, isla markaana astaantan ganacsi loo isticmaalo badeecadaha soo socda:
Fasalka 09: Qalabka dheeraadka ah ee kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka ee tafatirka sawirrada, codadka iyo muuqaalada; shaashadaha fidsan; software-ka kombiyuutarka ee lagu xakameeyo hawlgalka qalabka codka iyo muuqaalka; looxyada natiijooyinka elektarooniga ah; shaashadaha bandhigga calaamadaynta dijitaalka ah; tilmaamayaasha elektarooniga ah ee iftiinka bixiya; qalabka lagu ciyaaro codadka iyo muuqaalada; qalabka maqalka; shaashadaha muuqaalka ee la xidhan karo; farsameeyayaasha muuqaalka; fiilooyinka korontada; xadhkaha gudbinta codadka iyo sawirrada; shaashadaha LED-ka ee xayeysiisyada bannaanka; diode-yada iftiinka bixiya (LED); shaashadaha LED-ka; shaashadaha muuqaalka; qalabka kaxeeya LED-ka; muraayadaha 3D; baytariyada korontada.
Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa in SHENZHEN LAMP TECHNOLOGY CO., LTD. ay sheeganayso dhammaan xuquuqaha la xidhiidha astaamaha ganacsi ee kor ku xusan gudaha Somaliland, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharci oo ku habboon qof kasta ama dad kasta oo lagu helo inay isticmaalayaan…
































