OGEYSIISKA DIGNIINTA ASTAANTA GANACSIGA

Waxaa halkan lagu ogeysiinayaa in astaanta ganacsi ee kor ku xusan ay tahay hanti ay si sharci ah u leedahay shirkadda KHONG GUAN VEGETABLE OIL REFINERY SDN. BERHAD, oo xarunteedu tahay 4825, Jalan Permatang Pauh, 13400 Butterworth, Penang, Malaysia, isla markaana astaantan loo isticmaalo badeecooyinka soo socda:
Fasalka 29: Saliidaha la cuni karo; margariin; saliidda qudaarta; saliid qudaar isku dhafan oo loogu talagalay karinta; dufan la cuni karo oo lagu mariyo rootiga; saliidaha wax lagu karsado; dufanka la cuni karo; saliidda sisinta.
Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa in shirkadda KHONG GUAN VEGETABLE OIL REFINERY SDN. BERHAD ay sheeganayso dhammaan xuquuqda la xiriirta astaanta ganacsi ee kor ku xusan gudaha Somaliland, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin sharci oo ku habboon oo ka dhan ah qof kasta ama cid kasta oo isticmaasha astaantan ganacsi ama astaan kale oo si marin habaabin ah ama jahawareer abuuri karta ula mid ah, ama si kale ugu xadgudubta xuquuqdeeda.
































