SOMALILAND
OGAYSIISKA DIGNIINTA ASTAANTA GANACSIGA
OGAYSIISKAN WAXAA LAGU SHAACINAYAA in astaanta ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay mid u diiwaangashan shirkadda Dubai Aviation Corporation (trading as flydubai) of flydubai Headquarters, Terminal 2, P.O. Box 353, Dubai, United Arab Emirates
oo loo adeegsado adeegyada hoos ku xusan:
Fasalka 39: Adeegyada duulimaadyada, adeegyada gaadiidka hawada, adeegyada kireynta diyaaradaha; adeegyada safarka; adeegyada dirista xirmooyinka; adeegyada maaraynta xamuulka; adeegyada kaydinta xamuulka; adeegyada gaadiidka xamuulka; keenista alaabta hawada; hagidda rakaabka; adeegyada dhexdhexaadinta xamuulka iyo dirista xamuulka; adeegyada maaraynta dhulka ee garoomada; baakadaynta iyo kaydinta alaabta; wakaaladaha ballansashada iyo u diyaargarowga safarka; adeegyada wakaalada safarka; ballansashada duulimaadyada; diyaargarowga duulimaadyada; abaabulidda fasaxyada; adeegyada fasaxyada isku xiran; adeegyada bixinta macluumaadka dalxiiska; bixinta caawinta dhanka hubinta duulimaadyada iyo diyaargarowga safarka; bixinta macluumaadka iyo talooyinka ku saabsan dhammaan adeegyada kor ku xusan ee ka tirsan Fasalka 39.
WAXA KALE OO LAGU SHAACINAYAA in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof ama shirkad kasta oo adeegsanaysa astaanta ganacsiga ee la sheegay ama wax u eg, ama si kale u xad-gudubta xuquuqda shirkaddaas.