OGAYSIISKA DIGNIINTA CALAAMADA GANACSIGA
BIODERMA
Waxaa halkaan lagu ogeysiinayaa in calaamadda kor ku xusan ay leedahay NAOS of 355 rue Pierre-Simon Laplace, 13290 Aix-en-Provence, France, isla markaana calaamaddan lagu isticmaalo alaabooyinka hoos ku xusan:
Fasalka 03: Saabuunno; cadar; saliidaha udgoon; alaabooyinka qurxinta; kareemada, jelalka, looshannada loo isticmaalo quruxda; cadar-qurxinta qofka (deodorants); shaambooyin iyo daawooyinka timaha; tuwaallo lagu nadiifiyo wejiga oo lagu dhex qoyay qalab tirtira qurxinta; alaabooyinka quruxda ee caddaynta maqaarka; alaabooyinka nadiifinta maqaarka; alaabooyinka caatada; alaabooyinka madowga/jiriska iyo ilaalinta qorraxda; alaabooyinka timaha laga bixiyo (depilatory); diyaarinta deegaanka nololeed ee bay’oolojiga ah oo horumariya kobaca unugyada maqaarka (isticmaalka qurux ahaan).
Fasalka 05: Daawooyinka; maaddooyinka cuntada caafimaad ahaan loo isticmaalo; kaabayaasha nafaqada iyo cuntada ee dadka; alaabooyinka nadaafadda caafimaad ahaan loo isticmaalo; alaabooyinka maqaarka ee caafimaadka (dermatological products); diyaarinta deegaanka nololeed ee bay’oolojiga ah oo horumariya kobaca unugyada maqaarka (isticmaal caafimaad ahaan).
Fasalka 44: Adeegyada la bixiyo ee goobaha qurxinta iyo timaha; adeegyada nadaafadda iyo daryeelka quruxda ee dadka; adeegyada la-talinta ee la xiriira nadaafadda iyo daryeelka quruxda; adeegyada la-talinta ku saabsan qurxinta iyo caafimaadka maqaarka, daryeelka jirka iyo quruxda; talooyinka ku saabsan alaabooyinka quruxda; talooyinka ku saabsan caafimaadka cuntada iyo kaabayaasha nafaqada; sameynta baaritaanno (diagnostics) ka hor inta aan la bilaabin daryeelka nafaqada ama maqaarka; la-talinta ku saabsan adeegyada quruxda; adeegyada qurxinta; adeegyada daryeelka caafimaadka.
Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa in NAOS ay leedahay dhammaan xuquuqda ku saabsan calaamadda kor ku xusan gudaha Somaliland, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharciyeed ku habboon cid kasta ama shakhsi kasta oo isticmaala calaamaddan ama calaamad kale oo si marin-habaab ah ugu eg ama ku dhow, ama si kale u xadgudba xuquuqda shirkadda.































